X

Prof Axmed Samatar waa nin u muuqda in uu sas ka qaadsan yahay reerka uu ka dhashay markasta oo la soo hadalqaado: Siyaasi Obsiiye

Siyaasi Maxamed Cabdullaahi Obsiiye ayaa ka adkeysan kari waayay hadalo badan oo taariikh qaldana oo Prof Axmed Samatar uu sheegay waraysigii Universal tv. Siyaasi Obsiiye ayaa ku sheegay Prof Axmed Samatar nin sas ka qaaday reerka uu ka dhashay sidaan u arko isagoo xasuusiyay in markii uu tagey Xamar cida kaliya ee codka siisey ay ahayd reerka uu ka dhashay ee ayna ahayn reerkan uu ismoodey ee beesha dhexe.

Marnaba looma dulqaadan karo in uu yiraa codbaa laga qaaaday reer Woqooyiga..reer Awdal baad ka mid tahay waligaaba Gabiley ku carar..wuuna ka qajilayay calanka SNM markuu yimi Hargeysa ayuu yiri siyaasi Obsiiye SNM-se way u haysaa taasi. Xirsi Tooriilaaba kaa fiican oo runta sheegay oo qirtey in SNM xasuuqdey reer Awdal.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.