X

Prof Cabdi Samatar oo ka digey aqalka sare iyo lacagaha lagu soo rogey musharixiinta madaxweynaha

Aqoonyahan Prof Cabdi Samatar ayaa ka digey waxa loogu yeedhaty aqalka sare oo khasaare mooyee aanay jirin faaiido ka soo korodhey inkastoo aan cidi jalaq u siin waxgaradka ka hadlay arintan.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa wuxuu culeys soo kordhay ku tilmaamay dhismaha xildhibaanada aqalka sare ee lagu kordhiyay baarlamaanka.

Aqoonyahanka wuxuu sheegay in waqtigan la joogo dalka Soomaaliya uusan u baahneyn dhismaha aqalka sare, isagoo tilmaamay in xubnaha labada aqal ee baarlamaanka inay isku qabsan doonaan sida madaxweynayaashii iyo ra’iisul wasaarayaashii hore isku qabsadeen.

Sababaha keenaya in labada aqal isku qabtaan ayuu ku sheegay inay ugu horeyso in aysan cadeyn awoodaha ay kala leeyihiin sidoo kale doorashooyinkii ka dhacay goboladda dalka Soomaaliya ayuu ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo musuq maasuq ku dhacay.



Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo soo hadal qaaday lacagaha lagu xujeeyay musharixiinta doonaysa inay u tartamaan xilka madaxtinimada dalka ayaa ku sheegay inay sharci daro tahay dhaqaalaha badan ee musharixiinta lagu soo rogay.



Lacagahaasi ayuu sheegay iney bixin karaan oo kaliya dadka dhaqaalaha heysta ama qaatay lacagaha shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay, taasina ay ka hor joogsaneyso dadka ummada Soomaaliyeed wax u qaban karaya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.