X

Puntland nabad ku helimayso gawaadhi ay xanibto: Caalin

Madaxweynihii hore ee Galmudug Caalin ayaa la digey talaabo uu C/welli Gaas qaaday Kuna joojiyay gawaadhida xamuulka ah ee u gudbaya gobolada Bariga Puntland ee ka imanaya Koofurta Somaliya.

Caalin oo la hadlayay saxaafada ayaa sheegay in “Puntland ayna nabad Ku helayn gawaadhi ay joojiso ee ay dhib kaliya u keenayso dadka shacabka”.

Wuxuu intaas raaciyay in ay dhici karto in maamul jufeed kastaa xirto xuduud Ku sheega uu leeyahay taasina ay Puntland dhib u keenayso.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.