X

Puntland oo dagaal la gashay argagixiso ka tirsan shabaab iyo Galmudug oo warkale soo saartey: SAWIRO

Wararka ka imaanaya bariga gobolka Mudug ayaa sheegaya in habeenimadii xalay ee Arbacada ciidamada Puntland ay weerar qorsheysan ka fuliyeen goob u dhexyasa deegaanka Godod iyo Jeexdin oo dhanka bari uga beegan magaalada Gaalkacyo.

Inkasta oo ciidamada Puntland si rasmi ah uga hadlin dagaalkan ayaa warar hordhac ah sheegayaan in malayshiyaad ka tirsan argagixisada Shabaab ay halkaas soo gaareen kuwaas oo qorsheynaayey in ay weerar gaadmo ah ku qaadaan saldhiga ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Godad.

Majirto cid xaqiijisey ciidamada Puntland la dagaalameen in ay ahaayeen al-Shabaab, mana jirto sheegasho dhanka argagixisada al-Shabaab ka timid ilaa iminka.

Khasaaraha dagaalka ayaa la sheegayaa in dhimashadu ay gaareyso 15 ka dhimatey Malayshiyada la weeraray, waxaana lagaga gubey qaar kamid ah gawaaridii ay wateen.

Galmudug oo sheegatey in ciidankeeda la weeraray

Mid kamid ah Masuuliyiinta Galmudug ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo Galmudug ah dagaalka lagu qaadey, waxaana dagaalka ka qaybqaatey ayuu yiri diyaaradaha Maraykanka oo ka gubey qaar kamid ah gawaaridooda. Masuulka ka tirsan Galmudug oo lagu magacaabo C/raxmaan Maxamed Axmed ayaa sheegay in ciidamada PSF la siiyey war khaldan meeshaasna aysan joogin al-Shabaab.

Hawlgalo ka dhan ah al-Shabaab oo Gaalkacuo ay ka fuliyeen ciidamada PSF iyo DANAB waxaa ka horyimid maamulka Galmudug qaybta Gaalkacyo oo sheegtey in iyaga loo danleeyahay, waxaana baxsadey midkamid ah hoggaamiyaasha al-Shabaab ee gobolka Mudug oo lagu magacaabo Nuur Deeq Maalinguur, kaas oo Galmudug ku sheegtey in uu ahaa Halyeey reer Galmudug ah.

 

Deegaanka Godad waxaa ku yaala mid kamid ah saldhigyada ciidamada Puntland ee gobolka Mudug.

Bishii Maarso ayaa boqolaal kamid ah malayshiyaadka al-Shabaab ka soo degeen xeebaha Hindiya ee bariga Puntland, kuwaas oo dagaalo ciidamada Puntland la galeen si xun loogu jebiyey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.