Puntland ayaa faahfaahisay siyaasiyiin Cabdiwelli Gaas jeelka u taxaabay. Gudoomiyaha gobolka Nugaal waxa uu sheegay in dadkaasi ay sameyeen Falal kasoo horjeedda Amniga siduu sheegay.
Gudoomiye Faraweyne ayaa xusay in dadkaasi dhawaan la marsiin doono Sharcigga, maadaama ay wateen Magac aan ka diwaan gashaneyn maamulka Puntland.
Xubanaha la xiray waxaa ka mid ahaa Dr. C/raxmaan Siciid Maxamud (Dhegawayne) oo xilal kala duwan Puntland ka soo qabtay,Daahir Ciiro oo horay u noqday Xildhibaan Dowladii Fedraalka KMG aheyd ee Soomaaliya, Ganacsade Duni Maxamed Guulato iyo Faysal Faarax Cali.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS