X

Puntland oo fasirtey hadal reer Baydhabo ka caraysiiyay

Puntland ayaa fasirtey hadal reer Baydhabo ka caraysiiyay oo ay si aada uga xanaaqeen. Cabdiwelli Gaas oo xiriir la leh Shariif Xasan ayaa sheegay in wiil cagacad oo ka yimi Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba uu rabo inuu xukumo Puntland.


Cabdiwelli Gaas ayaa warkan ka sheegay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag halkaa oo uu ku tagey booqasho ka caraysiisay maamulka Muuse Biixi.

Baraha bulshada ayaa si weyn laysku cuney. Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay dadka diidan hadalka Gaas inay yihiin argaixiso.


Puntland ayaa hore u eriday dad Somali ah oo ka soo jeeda Koofur galbeed oo looga shikiyay inay argagixiso soo gelinayaan Puntland.

Argagixiso ayaa weerar ku haysa Puntland waxay ku sugan yihiin buuraha Galgala ee gobolka Bari.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.