Maamulka Puntland ayaa ka hadlay tirada qaxiotiga soo galay deegaanadeeda sanadii la soo dhaafay. Qaxootigaas oo u badan dad masaakiina oo ka ordaya gaajada ka jirta Itoobiya.
Puntland ayaa sheegtay in Qaxootiga soo galay degaanada maamulka Puntland ay isugu jireen qeybaha kala duwan ee Bulshadda sidda Haweenka iyo Carruurta, islamarkaana la diwaan galiyay ka hor inta aysan u bixin dalka Yaman.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa warbaahinta u sheegay in tiradda guud ee nolol-raadiska ay aad u fara badan yihiin islamarkaana ay kasoo jeeddaan badankood dalka Itoobiya. Nolol-raafiskan ayaa Yaman iyo Sucuudiga kala kulma kufdi iyo tacadiyo xoogleh, mararka qaarkoodna lagu haysto guryaha laguna adeegto.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS