X

Puntland oo ka hadashay xildhibaan Somaliland sheegatay in ay qabatay

Puntland ayaa beenisay in maamulka Somaliland ay qabteen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland oo ku sugnaa goobihii lagu dagaalamay.

Gudoomiyaha deegaanka Haylan oo ay ku dagaalameen Puntland iyo Somaliland ayaa sheegay in aysan jirin xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland oo gacanta u galay Somaliland.

Gudoomiyaha ayaa ayaa ku faanay in ay dileen ciidamo ka tirsan Somaliland hadana ay joogaan goobihii lagu dagaalamay oo ayaga ay gacanta ku hayaan waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhawaan dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Puntland iyo sidoo kale Somaliland ayaa ka dhacay deegaanka Haylan oo ka tirsan gobolka Sanaag ayna kuu muransan yihiin labadaasi maamul.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.