X

Puntland oo maxkamadaynaysa masuuliyiin hore

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa ku waramaya in Maanta Maxkamad la soo taagi doono Taliyaashii hore ee Booliska iyo Birmadka oo kala ah C/rizaaq Afgaduud iyo Cismaan Afdalow .

Saraakiishaan ayaa dhawaan waxaa Xilka ka Xayuubiyay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas kadib markii lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen Iska hor imaad dad ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen oo ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Sidoo kale waxaa jira in dacwo oogeyaasha dambiyada ku soo oogay saraakiishaan kala ah C/rizaaq Afgaduud iyo Cismaan Afdalow ay doonayaan in deg deg Maxkamad loo saaro.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.