X

Puntland oo sheegtay in ay aqoonsatey gacan ku dhiigleyaashii diley haweenay gudoomiye ahayd

Waxa xalay lagu diley magaalada Gaalkacayo gaar ahaan xaafada Israac gudoomiyihii haweenka ,iyadoo la sheegay in gacanku dhiigleyaashii goobta ka carareen. Gudoomiye Dhudi Yuusuf Aadan ayaa waxaa Dilkeeda ka hadlay Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland.

Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in Dilka Guddoomiye Dhudi ay Fuliyeen Dad la garanayo oo ka madax banan Maleeshiyada Al-shabaab.

Axmed Muuse Nuur ayaa Xusay in Ciidamada Ammaanka Puntland ay ku jiraan Baadi goob ku aadan sidii Gacanta loogu dhigi lahaa Gacan ku dhiiglaha Dilka u geystay Marxuumad Dhudi Yuusuf.

Sidoo kale Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Mudug ayaa Tacsi u diray Ehelka iyo Qoyskii ay ka Geeriyootay Guddoomiyihii Ururka Haweenka Gobolka Mudug.

C/llaaghi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.