X

Puntland oo sheegtay in Sucuudigu soo celiyay xoolo

Puntland ayaa sheegtay in Sucuudigu soo celiyay xoolo aan cudur lagu ogeyn. Masuuliyiin hadlay ayaa sheegay inay ka xun yihiin xoolahas la soo celiyay. Dadka badankiisa ayaa qaba in Sucuudigu siyaasad ahaan u diidey xoolahan.


Markabka oo lagu magacabo Alafa ayaa waxa uu siday xoolo gaaraya 28,000 neef oo Arri ah, iyada oo arrintan ay war ka soo saartay Puntland.


“Waa Markab la soo celiyay, weli runtii ma imaan, maalin dhaweyd ayaan ku rarnay xoolahaas oo dhammaantood ah Arri, waxaa la soo sheegayaa in laga helay cudur, annaguna waxaan aamin sanahay inaanu jirin warkaasi, berri ayay na soo gaarayaan.” Ayuu yiri Wasiirka Xanaanada iyo Xoolaha Puntland.

Daraad ayay ahayd markii Somaliya la safatey Sucuudiga oo xiriirka u jaray Kanada taas oo dad badan oo Somali ah ka xumaadeen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.