X

Puntland oo sheegtay inay jabiyeen ciidankii Somaliland ee Tukaraq

Puntland ayaa sheegtay inay jabiyeen ciidankii Somaliland ee Tukaraq. Weerar saaka ka dhacay deegaanka Tukaraq ayuu dagaal ku dhexmaray labada dhinac.



Dagaalkan ayaa imanaya markii M,uuse Biixi uu weerar lama filaana uu u qaadey Tuulada Tukaraq oo deganayd halkaana ku qixiyay dadkii yaraa ee ku noolaa deegaanka.



Dagaalka saaka ayaa qola weliba adeegsatey hubka gaboobey ee ka hadhey dawladii Somaliya. Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay inay jabiyeen ciidankii Somaliland.

Cabdiwelli Gaas oo war ka soo saray Garoowe ayaa sheegay in Muuse Biixi weerar kale uu saaka soo qaadey ayna cadeyn u tahay in sii daadiyo dhiig Somali ah.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.