X

Puntland oo soo bandhigtey argagixiso laga soo qabtey buuraha Galgala: SAWIRO

Puntland ayaa soo bandhigtey argagixiso laga soo qabtey buuraha Galgala xilli lagu qaadey weerar ay faraha ugu gubteen argagixisadu. Ilaa markii ciidamada Puntland laga diley askar badan waxa jirey weeraro lagu baacsanayo argagixisada.


Ciidamada ayaa doonayay in ay la wareegaan dhowr tuulo oo u dhow Buuraha Galgala halkaas oo la aaminsan yahay in ay ku sugan yihiin Ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa kooxda Daacish.
Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa howlgalkii ugu dambeeyay waxa ay ku soo bandhigeen 14 Ruux kuwaas oo ay shegeen in ay qabteen xiligii ay howlgalka wadeen.


Dhanka argagixisada Shabaab weli kama hadlin ragas. Argagixisada ayaan sheegan dhalinta laga qabto maadaama ay waalidiintood been loogu sheegay halkey joogaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.