X

Puntland oo soo dhaweysay askar ka soo goosatey maamulka Somaliland

Puntland ayaa soo dhaweysay askar ka soo goosatey maamulka Somaliland. Maamulka Puntland ayaa soo bandhigay Boqol iyo Lixdan Askri kuwaasi oo ku labisan Dareeska Millitariga, watana hubkooda.



Askartan oo lagu soo bandhigay degaanka Carro Weyn oo ka tirsan Gobolka Sool ayaa waxaa goob joog ka ahaa goobta bandhiga xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Puntland.
Gaashaanle Sare C/risaaq Cusmaan oo ka mid ahaa Askarta ka soo goosatay Somaliland ayaa sheegay sababta ay u soo goosteen in ay tahay markii ay u dulqaadan waayeen qaladaad badan oo lagu sameeyay, taasina ay keentay in ay ku biiraan Puntland.



“Een waxaan soo dhaweyneynaa Ciidamadan cusub, si niyad ah ku soo dhowaada, waxaan salaan adinkaga sidaa Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Puntland, hadal badan maba dhihi karo, waan faraxsanahay.” Ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Puntland.

Waxa caadi ah in askarta Dhulbahante kolba dhinac ku biiraan taas oo sii xoojisa burburka ka Jira deegaanada Sool, SAnaag iyo Cayn

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.