Kadib markii Maamulka Puntland si rasmi ah ugu dhawaaqeen in la soo gaba gabeeyay dagaaladii ka socday aaga Toga Suuj ee Gobolka Nugaal, ayaa ciidamadii dagaaladaasi ka qayb qaatay qaarkood waxaa la geeyay deegaanka Garacad oo Gobolka Mudug ka tirsan.
Weli Deegaanka Garacad duleedkeeda waxaa ka furan aag dagaal oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka tirsan argagixisada iyo ciidamo ka tirsan kuwa Puntland, gaar ahaan guutada labaad.
Shalay ilaa xalay waxaa la soo sheegayaa in ciidamo badan oo Puntland ka tirsan la geeyay deegaanka Garacad si ay u xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada caruurteena adeegsanaysa.
Deeganada hoostaga Garacad oo shalay dagaal kulul labada ciidan ku dhexmaray saaka xaaladeeda waxa ay tahay mid degan, balse waxaa la dareemayaa dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ay wadaan ciidamada Maamulka Puntland.
Guddoomiyaha Deegaanka Garacad Cabdi Nuur Cabdulaahi ayaa u sheegay Warbaahinta deeganada Puntland meel 30-KM u jirta Deegaanka Garacad inay isku hor fadhiyaan argagixisada iyo ciidamada Puntland, qorshahana uu yahay in la soo afjaro waa sida uu hadalka u dhigay.
Dadka Deegaanka Garacad ayaa sheegay gaadiid dagaal oo badan iyo ciidamo la socda inay deegaanka soo gaareen, kuwaasi oo u tafa xeedanaya ka qayb qaadashada dagaalka.
Ciidamada Maamulka Puntland ee argagixisada uga adkaaday aaga Toga Suuj, ayaa dhiiragelin fiican ka helay Bulshada reer Puntland, kadib markii haweenka ay Cuno bisil ciidanka furumaha ugu geeyeen, Dhalinyaradana ay shubeen dhiig.
Argagixisada oo ah cadowga Somalidu leedahay ayaa rabtey dagaaladooda inay ku salbalaariyaan deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada dalka oo Nabad iyo xasilooni ay ka jirto.
Argagixisada ilaa hada kama aysan hadlin jabka ka soo gaaray dagaalka ay ku weerareen deeganada Puntland, iyadoo maxaabiis badan oo laga qabtay la geeyay Magaalada Garowe.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS