Maamulka Putlaan ayaa ku guulaystey inay dib u furaan wadooyin roobku Jaray sadex cisho kahor ayadoo gaadiid farabadan ku cadilnaayeen labada dhinac ee wadooyinka. Roobkii da’ay ayaan laga faaiideysan.
Farsamo yaqaaniin ajaanib ah ayaa ku guulaystey inay dib u buuxiyaan wadooyinkaas ayadoo isticmaalaya sagbado iyo sibidh. Wadada dheer ayaa meelaha qaar afar meelood roobku Jaray.
Waxayna inta shaqada laga qabtay u dhexeysaa Garoowe, Sin-ujiif iyo Xaaji Khayr ee gobolka Nugaal.
Madax xigaha Putlaan Axmed Karaash ayaa ugu horayn waxa uu ammaan iyo mahadnaq u jeediyey Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka oo ku guulaystey 24 sacadood inay ku furaan wadada, Shirkadaha iyo Shacabka ka qayb qaatay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS