X

Qaahira oo noqotey xarunta kufsiga gabdhaha madow oo Somali ku jirto: Warbixin

Gabadh u dhalatey Koofurta Suudaan ayaa ugu dambeyn Ka baxsaday aqal Ku yaala Qaahira oo loogu gaystey kufsi wadareed. Gabadhan oo aan magaceeda la sheegin ayaa sheegtay in tuuga soo afduubey uu Ka tagey furaha sidaana ku baxsatey.


“Waxa la iga afduubey Qaahira kadibna waxa la igu wareejay Tagsi Kaas oo laygu geeyay guri cidla ah. Waxa kadibna kufsi ii gaystey dhowr nin. Hadda waxaan uur u qaaday mid Ka mida ayay tiri Bakhtiya.

Waxa markii hore laygu weeraray wadada, waan is difaacay oo waan dhirbaaxay laakiin kuwo kale ayaa u yimi anigu waxaas oo dhan iskama celin karo ayay raacisay.


Masar ayaa rikoodhka Ku jebsay magaalada ugu kufsiga badan wadamada Carabta oo dhaaftey Suuriya oo Argagixisadu burburisay. “Haddii lagu arkaba inaad madow tahay waxaad halis ugu jirtaa kufsi ayay tiri haweenay Ka shaqaysa guri ay leeyihiin bulshada soo galootiga ah.

Inkastoo sharci adag dawladu soo rogtey haddana waxa batey musuqa booliiska  taas oo keentay inaan la fulin cabashada Ka soo yeeraysa haweenka.


Gabdho iyagu Ka yimi Somaliya iyo Suudaanta saxda ah ayaa iyagu diidey inay saxaafada la hadlaan ama la sheego magacooda. Ta ugu daran ayaa ah maadaama uu batey faqriga Masar Laguna leeyahay lacago badan, waxa adag in soo galootigu shaqo helaan ay ku bixiyaan kirada guryaha waayo waxay hadda degan yihiin cidlo ayay tiri Fadumo C/qaadir.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.