X

Qaar ka mida dhaaawicii xasuuqii Soobe oo Muqdisho dib loogu soo celinayo: SAWIRO

Qaar ka mida dhaaawicii xasuuqii Soobe ayaa Muqdisho dib loogu soo celinayaa. Dhaawacan hadda xaaladoodu fiican tahay ayaa laga soo celinayaa dalkaasi Turkiga.



Bukaanadan oo ka koobnaa 6 ruux ayaa ka soo ambabaxay   Garoonka Diyaaradaha  ee magaalada Ankara  oo ay ka sagootiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka Turkiga, ayaa lagu wadaa in ay manta soo gaaraan magaalada Muqdisho.



Xoghaye Barqadle ayaa Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay  in dhamaan dhawacyadii soo gaaraay dalka Turkiga  dib loogu celiyay Muqdisho,iyagoo caafimaad qaba,guud ahaan dhawacyadaas oo ka koobnaa 35 ruux iyo 34 ruux oo la socotay.

Dhaawacyadani oo ahaa dhawaacyadii ugu liitay uguna dambeeyay ayaa waxaa ay kala yihiin.

1.   Axmed Siyaad Cabdi
2.   Liibaan Nuur Cosoble
3.   Axmed Xuseen Warsame
4.   Cabdullahi  Cali Maxamed
5.   Laylo Isaq Maxamed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.