X

Qaar ka mida sawiro aan ka helnay markabka hubka sida ee ku xidhan Berbera oo laga dejiyay iyo yay maqlaan SNM: FAALO

Berbera–Markab hub u sida maamulka Somaliland (SNM) ayaa Berbera ku soo xidhay usbuucii hore wayse dafireen in markabkaasi iyaga hub u wado waxayna leeeyihiin hadda Puntland ayuu u wada.

Hubkan ayaa sida aad ku arkaysaan sawirada ah hub casri ah oo aan Somaliya soo galin in mudooyina inkastoo qalabkoodu aanu u dhanayn waana kooxi ku dagaalami karto in muddo koobana.

Hadaba yay maqlaan SNM iyadoo warar ay sheegayaan in kooxda ilaalada cunaqabaynta Somaliya ay hubkaasi soo arki doonto usbuuca dambe.

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya ayaa ah kuwa SNM la hortagi karaan talo kana bixin kara talo arimahan noocana inkastoo SNM maamulkooda qaar ay sheegayaan in ay la wareegayaan hubkaasi, ogolaanshaha noocaasa ayaa waxa bixin kara kaliya safiirka Ingiriiska oo ah kan kaliya ee ay aaminsan yihiin, farahana ku hayay arimaha goboladooda.

Waana sababta keentay in ay dib u dhacdo in go,aan laga gaadho halka hubkani ku dambeyn doono. Wararka ka soo baxaya Berbera ayaan ahayn warar la rumeysan karo maadaama aan war laga helin toosa kabtanka Markabka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.