Muqdisho–Wasiirada arimaha gudaha omaliya C/raxmaan Odawaa ayaa ku tilmaamay qabsashada Dhuusamareeb mid lagu carqaladeynayo hanaanka maamul u dhis ee gobolada dhexe. Maanta ay ahayd markii xoogag ka tirsan dagaalyahaniinta ahlu sunna ay cagacadaan DShuusamareeb uga saareen ciidanki dawlada.
Warsaxaafadeed ayaa u qornaa sidan:
Sidoo kale Wasiir Odowaa ayaa ku tilmaamay qabsashada Dhuusamarreeb mid lagu hagar-daameynayo habsami u socodka dhisamaha maamulka gobollada dhexe isla markaana lagu qalqal-gelinayo nabadda iyo xasilioonida ay heystaan shacabka gobollada dhexe.
“Dowladda Soomaaliya tallaabo deg deg ah ay u qaadi doontaa ka hortaga kooxda nabad diidka ah ee inta isa soo abaabulay weeraray magaalo xasilooni ka jirtay, kuna jirtay gacanta dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Odowaa.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa tacsi u diray eheladda dadkii ku geeriyooday weerarkii maanta , wuxuuna Alle uga baryey inuu si deg deg ah u bogsiiyo dadka ku dhaawacmay.
C/llaahi WArmooge
ARAABINEWS.COM