X

Qadar iyo Somaliya oo aan is dhiibin iyo Sacuudiga oo fashilmey

Talaadadii January 5, 2021 saacado ka dib markii Dooxa laga qaaday xannibaaddii ayaa Amiirka Sacuudiga Maxammed bin Salmaan garoonka diyaaradaha Al-Culaa ku soo dhaweeyay Amirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad oo uusan seddax sanadood iyo bar la hadlin.


Inkastoo aan faahfaahinta heshiiska loo soo bandhigin dadweynaha, haddana shir madaxeedka dawladaha khaliijka ayaa u muuqda mid horumar ka gaaray dib iskugu keenista labada dhinac, si loo xasiliyo xiisada gobolka.

Boqortooyada Sacuudiga oo haggaaminayso dalalka Imaraadka, Masaarida iyo Baxreyn ayaa xidhiidhka ganacsiga iyo diblomaasigaba u jaray Qadar. Xulufada afargeeska ah waxay ku eedeeysay Dooxa inay taageerto himilooyinka dawladda Iiraan iyo kuwa kooxaha xagjirta ah oo ay ka mid tahay Ikhwaanul Muslimiinta.


Ujeeddooyinka dhabta ah ee kooxdu waxay soo shaac baxday markii Qadar la hordhigay saddex iyo toban dalab oo aan macquul ahayn. Inkastoo Xagjir Taram uu si degdeg ah u taageeray mowqifka Riyad iyo Abu Dabay, haddana siyaasaddii xannibaadda wax badan laguma guulaysan.

Xeeldheerayaasha siyaasadda ayaa rumeysan in dhowr xaaladood ay sababeen gulufka diblomaasiyadeed. Ilo xog-ogaal ah ayaa qaba in Mareykanka uu xoogga saaray qaboojinta xiisadda isagoo ka baqaya in Iiraan oo colaadineysa Yuhuudda ay ka faa’iidaysato khilaafka Riyaad iyo Dooxa. Dadaalkaas waxuu xoojinayay awooda Yuhuuda iyo Maraykanka oo is wada iyo xulafooda Carabta.


Go’aanka takooridda Qadar waxuu ahaa mid Amir Maxammad bin Zayed uu naqshadeeyey, kaas oo u muuqda mid fashilmay (Aljazeera 7/01/21). Cadaawada Abu Dabay ee Dooxa ayaa ahayd tan ugu adkayd iyadoo weliba siyaasadda Imaaraadka ay ku fashilantay Liibiya, Soomaaliya, Suuriya, Turkiga iyo Yaman.

Iyadoo ay taasi jirto, haddana maamulka Biden dhabarka uma jeedin doono boqortooyada gebi ahaan. Ahmiyadda siyaasadda Mareykanka waxay noqon doontaa mid raacsan tii Riyaad ka carootay, taas oo ah waxa boqortooyada walbahaarka ku riday.


Walow Amiirada khaliijka ay ku mashquulsan yihiin fara-isku-fiiq, haddana Riyaad marnaba kuma fikirin in fudeedka Abu Dhabay bohol ka tuuri doono.

Maanta waxaa loo aayey dadaaladii Kuwayd. Taasi oo ah dharbaaxo wejiga looga dhuftay Abu Dabay oo damacday inay sharafta ummadda Soomaaliyeed shilimaad yar ku iibsato, balse Eebe ka dhigay mowqifkii Muqdisho mid suubanaa.


Waxaa hubaal ah in waddana uusan awood u lahayn inuu cadaadis ku soo rogo mid kale haba ka tabar liitee. Casharka laga bartay Riyaad iyo Dooxa ayaa ah mid looga baahan yahay Nayroobi inay ku cibro qaadato, lana timaad siyaasadda dersi wanaag iyo isqadarin ka sokow intii ay hubeyn lahayd maleeshiyaad ayadoo joogta dhul Somaliyeed.

Qalinkii Burhan H. Rooble & Cabdulqaadir Cariif

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.