Qadar ayaa sheegtay sababta ay ciidankeeda uga saartey Jabuuti ama xadka Eritariya xilli Salafiga Sucuudgu isku dayay in uu saaro cunaqabatayn ilaa hadda fashilantey kuna soo noqotey kuwa saaray.
Qadar ayaa cunto joogta ah ka hesha wadamada ay isku urur diimeedka akhwaan Muslimiin yihiin uguna weyn yahay Turkiga. Qadar ayaa ciidan yar uu ka joogey xadka Jabuuti iyo Eritariya ka saartey dabayaaqadii usbuucii hore.
Saxaafada ayaa u fasiratey in ay Qadar ku ciqaabayso Jabuuti oo la safatey Sucuudiga iyo Imaaraadka. Mana jirin cid ka socota Qadar oo ka hadashay sababta ay uga baxeen.
Qadar ayaa hadda sheegtay in siyaasada Sucuudiga iyo Imaaraadka oo labaduba jooga Eritariya ay sababtey in ciidankeeda yar halis ugu jiro in la weeraro ama dhibaato loo gaysto taasina tahay sababta ugu weyn.
Qadar ayaa dhinaca kale sheegtay in ayna sii wadi Karin joogitaanka ciidanka halkaasi kulul dhaqaale dartii ayadoo muujisay in aan ABAAL LOOGU QABIN.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS