X

Qalabka kaydiya duulista diyaaradaha oo ku soo caaryay xeebta Garacad ee gobolka Mudug

Deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug waxaa kasoo caariyay sanduukh lagu kaydiyo duulista diyarada siiba dhinaca isgaarsiinta iyadoo wali la raadinayo macluumaad ku saabsan diyaaradii Malaysia ee ku dhacday badda weyn ee loo bixiyay Hindiya.

Gaashaanle Ciiraale Faandhe oo ah ninka helay sanduukh ayaa Radio Gaalkacyo uga waramay sanduukha uu helay iyo sida uu u samaysan yahay, waxaana uu sheegay in dheerarkiisa uu ku qiyaasay 60CM halka uu sheegay in dusha sare ay uga qoran tahay Flight Recorder, 

Xariiro kala duwan oo aan samaynay Garacad Maamulkeeda arinkaan kama hadlin,iyadoona arrinkaan uu kusoo beegmayo xili la la yahay diyaarado badan kuwaas oo la waysan yahay xogta ku aadan halkii ay ku dambeeyeen.

Garacad waa magaalo Istiraatiiji ah oo dhacda Badwaynta Hindiya, waxaana warkaan la xariira oo horay dawladda Thailand uga soo baxay in 27 Maarso 2014 Laanta hawada ee Thailand ayaa sheegtay in dayax gacmeedkoodu qabtay ugu yaraan 300 oo cad oo dulsabaynaya aag ka tirsan koonfurta badweynta Hindiya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.