X

Qaramada midoobey iyo Yurub oo ka hadlay axdi daro ay ku kaceen sadex maamul jufo oo haweenka xaqirey

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Ethiopia, Midowga Yurub, IGAD ,Italy, Sweden, Ingariiska, iyo Mareykanka ayaa ugu baaqay madaxda maamul goboleedyo axdi daro sameeyay oo kala ah Puntland, Galmudug , Jubbaland.

Sadexdaas maamul jufo ayaa fulin waayay heshiis ay iyagu saxiixeen oo ah in haweenku helaan xaqooda marka la soo xulayo xildhibaanada.

Beesha Calaamka ayaa sidoo kale sheegay in Saddexdaasi maamul goboleed ay ku fashilmeen in ay fuliyaan heshiis ay wada gaareen Madaxda hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran oo lagu qeexay qoondada haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin xubnaha Aqalka Sare.

Warka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu amaanay maamulka Koonfur Galbeed oo qaaday tilaabada loo baahnaa islamarkaana soo dhameystiray Aqoondada ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed ee kunool deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

“Beesha Caalamka waxa ay si weyn u soo dhaweynaysaa go’aanka ay qaateen guddiga doorashooyinka dadban ee dalka iyo sidoo kale sida ay u fuliyeen balanqaadyadii ay ka qadeen Madaxda hogaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran” ayaa lagu Yiri Warka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Ugu dambeyntii Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday madaxda maamul Goboleedyada Puntland , Galmudug iyo Jubbaland in ay ilaaliyaan waqtiga , islamarkaana ay qoondada haweenka ay kusoo cadeeyaan Waqtigii ay u qabteen guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.