Hay’ada qaramada midoobey u qwaabilsan qoxootiga ee loo soo gaabiyo UNHCR ayaa baadhayaal u dirty barta ay ku gadoontey doon ay saarnaayen Somali farabadan iyo daka kale oo ka soo jeeda dalalka Afrikada Bari.
Haweeneyda Afhayeenka u ah UNHCR, Ariane Rummery ayaa hadalkaasi ka sheegtay Xarunta Dhexe ee UNHCR ku leedahay magaalladda Geneva ee dalka Switzerland, waxayna xustay inay Kooxdaasi soo baari doonaan Shilkaasi murugadda leh.
Goobjoogayaal iyo dad ka badbaaday doonida degtay ayaa sheegay inay doonida oo ay la socdeen ilaa 500 oo Tahriibayaal ah ay ku degtay Badda Mediterreanka, xilli ay ku sii jeedeen Xeebaha Talyaaniga.
Ma jiraan Dowlad ama Hay’ad ka tirsan QM oo awooday inay xaqiijiyaan tirada Tahriibayaasha ku haftay doonida ku degtay meel ka baxsan Xeebaha dalka Masar.
Dhinaca kale, Afhayeenka Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM), Flavio Di Giacomo oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Rome ayaa sheegay inaysan waxba xaqiijin Karin ilaa laga helo Markhaatiyayaal ama wax kale oo ka yimaada Saraakiisha Dowladaha.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS