X

Qaramada midoobey oo dawlada jamhuuriyada Jeega ku eedaysay in ay qaawiso lambarana ku qorto qoxootiga Siiriya

Qaramada midoobey ayaa ku eedaysay dalka Yurubta Bari ee gaajada ah ee jamhuuriyada Jeg in uu si xun oo cunsurinimo ula dhaqmo qoxootiga Muslimiinta ee soo galaya dalkooda. Dalka Jeg ayaa ku biiray Yurub sanado hore waxa dadkiisu shaqooyin u raadsadaan wadamada isla dadkan Muslimiinta ahi u socdaan in ay ka helaan xoriyad iyo nolol.

Booliiska dalkaasi ayaa lagu eedeeyay in uu qaawiyo qoxootiga Siiriya isla markaana ka furto shilimaadka ay haystaan haddii kale aan la qorin qoxootinimo. Waxa kale oo lagu eedeeyay in uu qalin aan bi’in gacmaha kaga qoro qoxootiga.

Nin ayaa yiri booliiska Jeega waxay cunsurinimada ka soo dhaxleen Yuhuuda halka ninkalena sheegay in sidii HITLER ay dadka ula dhaqmeen oo gacmaha lambaro kaga qoreen. Fiirso sawirada hoose

Dhinacooda ayaa dalkan cunsuriga isla markaana gaajada ah ay sheegeen in ay ku ilaalinayaan in dadku kala lumin.

Radshid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.