Qaramada Midoobey magaalada Jineefa ayaa codsi u direy dawlada Itoobiya in kormeerayaal loo diro goobaha ay rabashaduhu ka jiraan ee dalkaasi si ayay yiraaheen loo qiimeeyo xaalada jirta.
Rabshadaha ka jira Itoobiya ayaa bilaabmey sanadkii hore markii dawlada Itoobiya isku daydey in ay balaadhiso deegaanka caasimada Itoobiya, waxase taasi diidey qowmiyada ugu badan dalkaasi ee Oromada.
Oromada ayaa sheegay in ujeedadu tahay in lagu soo durko dhulka Oromadu leeyihiin sida beeraha iyo dhulka wax soo saarka le ee ku wareegsan caasimada.
Dawlada ayaa arintaa ka tanaasushey waxase jirey iska hor imaad meelxun gaaray. Rabshadahan u dambeeyay ayaa waxay ka dhaceen dhulka ay degan yihiin qowmiyada axmaarada ee Woqooyiga dalkaasi.
Qowmiyadaha Oromada iyo Axmaarada ayaa isku celcelis ahaan la sheegaa in ay ugu badan yihiin Itoobiya halka Somalidu tahay ta sadexaad, halka qowmiyada Tigreeguna yihiin tan afraad.
Qaramada midoobey iyo Maraykanka ayaa aad u walaacsan haddii rabshadaha sii socdaan iyagoo hadda gaaray caasimada lafteeda.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS