Qaramada midoobey ayaa ka hadashay deeqda tooska ah ee laga mamnuucay Muuse Biixi oo la ogaadey in deeqdaas uu u isticmaalo inuu ku gumaado beelaha an jeegaanta ahayn ee diidan maamulkiisa.
“QM waxay ku dadaalaysaa inay kaalmooyinka iyo mashaariicda baahiyaha deg-degga ah loo qabo aan gaarsiinno meel walba oo dalka ah Somali ah – oo ay ku jirto maamulka Somaliland,” ayuu yiri danjire Peter de Clercq.
“Kaalmooyinkii ugu dambeeyay ee la gaarsiiyay Qaybo ka mid ah Somaliya, waxay Somaliland ka heshay qayb weyn, waayo qorshaha dhawaan soo jeedisay Dowladda Somaliya wuxuu u baahan yahay wadahadal dheeraad ah iyo in rasmi laga dhigo,” ayuu hadalkiisa ku daray ku xigeenka Ergayga QM ee Soomaaliya.
Dhanka kale, Peter ayaa la weydiiyay inuu jiro heshiis ay Dowladda Somalia iyo Beesha Caalamku ay ka gaareen qorshaha kaalmada ee Muuse Biixi laga joojiyay wuxuuna ku jawaabay.
“Maya ma jiro xilligan wax heshiis ah oo laga gaaray qorshahan gaarka ah, sida aan sheegayna muhiimaddu waxay tahay in kaalmooyinka kala duwan ee bani’aadamnimada iyo kuwa horumarineed ay gaaraan goobaha loogu baahida badan yahay.”
Peter ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in hawlaha xilligan ay rabaan inay kaalmooyinka ku gaarsiiyaan Muuse Biixi uu yahay qorshe aan rasmi ahayn, balse haddii is-af-garad uu ka dhex-dhaco Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ay raaci doonaan wadiiqadii loo jeexo.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS