X

Qaramada Midoobey oo ku tilmaantey barakicinta Burma mid Muslimiinta looga sifeynayo

Qaramada Midoobey ayaa ku tilmaantey barakicinta iyo xasuuqa Burma mid Muslimiinta looga sifeynayo dalkaasi. Haweenayda ninka Ingiriisku qabo ee dalkaasi ayaa lagu eedeeyay in ay ka masuul tahay xasuuqan.

Dad ku dhow nus milyan Muslimiina ayaa lagu xasuuqey Burma oo hadda loo yaqaan Myanmar guryahoodiina loona diidey in ay ku soo noqdaan ayadoo sanam caabudka Budhiistuhu gubey hanti iyo beero waxay lahaayeen.



 Siciid Raad Al Xuseen oo ah u qaybsanaha Qaramada midoobey dhinaca bani aadamnimada aya sheegay in waxa socdaa uu yahay xidid-siibid ula kaca.

Sanam caabudka Budhiistaha ayaa Muslim nacayb awgeed u gubey beerihii iyo guryihii Muslimiinta xaqa haweenkana ay kufsanayaan. Xasuuqan iyo barakicintan ayaa socotey muddo ku dhow sadex sano.

Waxa jira dhawaq xoogan oo aduunka loogu sheegayo in haweenayda dalkaasi lagala noqdo bilada beenta ah ee siyaasada lagu siiyay.



Siciid Raad Al Xuseen ayaa Burma ku eedeeyay in ay diideen xaqiiqo baadhis in loo tago goobaha ay dadka ku xasuuqaan sanam caabudka Budhiistaha.

Tirada u dambeysa u qaxday Bangaladeesh ayaa lagu qiyaasay nus Milyan Muslimiina.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.