X

Qaramada midoobey oo walaac ka muujisay dabago’a geed dalka caan ku ah

Qaramada midoobey ayaa walaac ka muujisay dabago’a geed dalka caan ku ah.

Warbixinta ay sameysay Hay’adda Cunada iyo Beeraha ee QM ayaa waxaa kaloo lagu sheegay qiyaastii %5 sanadkii ay gaareyso tirada dhirta Qudhaca ah ee laga gooyo Soomaaliya.



Waxaana xaalada taagan ee xaalufka ah sii dardar gelinaya iyada oo aan dhir kale la beerin.

Geedka Qudhaca ah iyo dhirta kale ee Abaaraha adkeysiga u leh xooluhu calafka ka helaan xilliyada Abaaraha ayaa la sheegay hadii go’o in ay halis geli doonaan dadka ay noloshooda ku tiirsan tahay xoolaha nool.



Xasilooni darada siyaasadeed ee jirta awgeed iyo kooxaha maleshiyaadka ee ka ganacsada dhuxusha ayaa iyaguna lagu sheegay in xowli dheeraad ah ay geliyeen xaalufinta dhirta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.