X

Qaramada midoobey oo walaac ka muujisay xasuuqa Sucuudigu ka wado Yaman

Qaramada midoobey ayaa walaac ka muujisay xasuuqa Sucuudigu ka wado dalkaasi fiqiirka ah ee Yaman halkaas oo ay sheegeen in tobankii cisho ee u dambeeyay uu Sucuudigu diley 136 shacaba.



Sucuudiga ayaa dagaal diimeed u gaara kula jira Yaman qaasatan shacabka Xuutiyiinta oo diidan siyaasada madaxweynihii reer Koofuredka ee ay xukunka ka tureen.

Rupert Colville oo ah afhayeenka Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ayaa ka muujiyay walaac Dhimashadda dadka  Shacabka , waxaana uu sheegay  in Qaramada Midoobey laga doonaayo in ay ka qaadan tilaabooyin deg deg ah.



Waxa uu sidoo kale sheegay in xaaladda Yaman ay kasii dartay Markii  4 Diseembar  la dilay Madaxweynihii hore Ali Abdalla Saleh xilligaas oo Sucuudigu kordhiyay xasuuqa uu ku hayo dadka shacabka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.