X

Qaramada midoobey oo war ka soo saartey duufaano ku dhuftey Woqooyiga Somaliya

Qaramada midoobey ayaa war ka soo saartey duufaano ku dhuftey Woqooyiga Somaliya gaar ahaan xeebaha gobolka Awdal iyo Puntland. Duufaanada ayaa keenay biyo aad u farabadan taas oo galaafatey dhimashada xoolo aad u farabadan.




Deegaanada gobolka AWdal ayaa abaaro la daalaa dhacay sanadihii u dambeeyay kuwaas oo maamulka Somaliland waxba ka qaban.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa ka digay in roobabka culus ee la filayo inay ka sii socdaan xeebaha Somaliland iyo sidoo kale Puntland.



“Hay’adaha bani’aadamnimada ayaa si dhow ula soconaya xaaladda waxyeelada duufaanta kasoo gaartay dadka kunool Puntland iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay hay’adda gargaarka ee Qaramada Midoobay.

Deegaanada Puntland ee sida aadka ah waxyeeladu u soo gaartey ayaa waxa ka mida Bareeda, Caluula, Murcanyo, Gumbax.

“Qiyaastii 35 guri , 15 doomood oo yaryar ayaa ku burburay, Waxaa sidoo kale ku dhintay ​​1,260 xoolo ah degmada Lasqoray” sidda ay sheegtay Hay’adda.

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.