Warar dheeraada ayaa ka soo baxaya qarax argagixiso maleegtay oo ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho halkaas oo hadda la xaqiijay inay ku dileen hooyo iyo ilmaheeda. Dhiigmiiratada ayaa sidoo kale diley dirawal waday gaari Hindiga bajaajta loo yaqaan.
Waxa jira laba qof oo kale oo dhaawaca ayuu yiri masuul u hadley degmada Hodan. Goobta miinada lagu aasay ayaa ah jid cadde mara meel aan ka fogeyn dugsiga Banaadir.
Maaha markii ugu horeysay ee dhiigmiiratadu ku aasaan miinooyin ay ugu talogaleen xasuuqa dadkeena. Dhiigmiiratada ayaa looga adkaadey dagaalki tooska ahaa haddase waxay iskugu biyo shubteen dilalka gaadmada ah iyo miinooyinka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS