Wararkii u dambeeyay ee ka soo baxaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in qarax argagixisadu maleegtey ay Ku dhaawacmeen ugu yaraan sadex qof. Argagixisada fuleyda ayaa qarax ku qarxiyay goob qashina oo u dhow xarumaha dawlada.
Ahlu Sunna ayaa hore u diidey ciidanka dawlada ee imaanaya Dhuusamareeb ayagoo sheegay in kuwa imaanaya ay garab la yihiin argagixisada oo keliya qaraxyo soo kordhin karaan.
Sadexda qof ee ku dhaawacmey ayaa goobta u dhawaa xilliga qaraxu dhacaayay. Waxa Ku baxay qaraxa iyo dadka dhaawacmey ciidanka dawlada dhexe ee magaalada jooga, waxayna bilaabeen baaritaan.
Waa qaraxii ugu horeeyay ee Ka dhaca Dhuusamareeb oo argagixisadu marhore fooda soo gelisay laakiin markiiba dib looga eryaday.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS