Qarax khasaare dhaliyay ayaa ka dhacay Baydhabo. Wararka ayaa sheegaya in argagixisadu miino dhulka Ku aastey.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhimatay Hal ruux oo Haweeney aheyd, waxaana ku dhaawacantay Afar qof oo Saddex ka mid ah ay ahaayeen dad shacab ah, halka kan kalena uu ahaa Askari, dadka dhaawacmay ayaa la dhigay Isbitaalka guud ee Magaallada .
Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa gaaray xaafada Wadajir ee Qaraxa uu ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaano, ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay qaraxaasi, xaalada ayaa waxa ay tahay mid degan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS