X

Qarax lagu dilay 28 ruux oo ka dhacay caasimada Turkiga ee Ankara yaa ka dambeeyay??

Qarax aad u xoogan oo lagu dilay 28 qof ayaa ka dhacay caasimada dalkaasi Turkiga ee Ankara. Weerarada noocana ayaa waxa gaysta argagixisada uu taageero Turkiga laftiisa ee Daacish. Weerarkan ayaa ka dhacay meel u dhow barlamaanka dalkaasi iyo waliba dhismayaasha looga taliyo milatariga.

Waxa weerarkan loo adeegsadey gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo ;laga maqlay magaalada oo dhan.

Madaxweynaha urur diimeedka akhwaanka ee Turkiga Erdogan ayaa shegay in talaabadani ay nagu sii dhiirigelinayso sii wadida la dagaalanka argagixisada inkastoo aanu afka ku dhifin saaxiibadii Daacish.

Turkiga ayaa weerar ku qaadey Kurdiyiinta Siiriya oo eryaday dhiigmiiratada Daacish kana saaray goobo badan oo ku teedsan xadka Turkiga.

Erdogan ayaa sheegay in cadowga gudaha iyo ka dibedaba (Kurdiyiinta) uu la dagaalami doono. Dhimashada weerarkani waxa ku dhintey dad shacab u badan oo marayay goobta.

Maraykanka ayaa cambaareeyay falkan sheegayna in uu la jiro Turkiga. Dhawaan ayay ahayd mar uu Maraykanku u digeyay Turkiga kuna lahaa ha joojiyo weerarka uu ku hayo Kurdiyiinta edbiyay Daacish.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.