Faahfaahin qarax ka dhacay Muqdisho.
Qaraxa koowaad ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Odweyne ee degmada deeyniile,waxana laamaha aniga ay xaqiijiyeen in uu ahaa Gaari Kaarib ah oo ay Miino nooca dhulka lagu aaso ah la qaraxaday,sida ay xaqiijieyen masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyootay laba ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmen kuwaas oo loo qaaday mid ka mid ah Goobaha Caafimaad ee Magaalada Muqdisho si loogu daweeyo.
Dhinaca kale qaraxa labaad ayaa ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ah taas ku qaraxday Hareeraha Wadada laamiga ah ku dhow Warshada Biyaha Caafi oo ku taalla Wadada Warshada,iyada oo aysan jirin wax khasaaraha ah oo ka dhashay qaraxaas.
Argagixisada aya xasuuq balaaran ka wada Muqdisho.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS