Qarax markale ka dhacay xarunta gobolka Bari ee Boosaaso. Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa wuxuu ka dhacay meel u dhaw Shirkad Bulukeetiga jarta oo ku taala Xaafada Cariga Boosaaso.
Saraakiisha ciidamada Booliska ayaa sheegay miino nooca dhulka lagu aasay inay aheyd qaraxaasi, khasaaraha ka dhashayna dib ay ka soo sheegi doonaan.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya inuu jiro khasaare ka dhashay qaraxaasi oo soo gaaray dad shacab ah oo halkaasi maraayay sida dadka deegaanka ay sheegeen.
Baaritaano ayaa ka socda magaalada waana qaraxii labaad ee ka dhaca kadib markii xalay uu ka dhacay qarax. Qaraxyadan ayaa waxa sheegtay argagixisada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS