X

Dawlada Somaliya oo qaybisay sawirada iyo magacyada rag loo qabtey xasuuqii Soobe

Dawlada Somaliya ayaa qaybisay sawirada iyo magacyad rag loo qabtey xasuuqii Soobe. Wasiirka Warfaahinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay Qaraxii Zoobe in loo hayo ilaa Shan nin oo la rumeysan yahay in ay ku lug leeyihiin falkaasi, kadib baaritaano dheeraad ah oo ay sameeyeen Hay’adaha ammaanka.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay magacyada iyo Sawirada Dawladdu ay soo bandhigtay inuu ku jiro shaqsigii isku Qarxiyay isgoyska Zoobe ee kaxeynayay Gaarigii TM-ka ahaa.



 Dadka Qaraxii Zoobe loo qabtay ayaa waxa ay kala yihiin:-

1.Mukhtaar Maxamuud Xasan Gardhuub,

2.C/wali Axmed Diiriye (C/qani) oo ahaa Madaxa Qaraxyada Gobolka Banaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado.

3.Xasan Aadan Isaaq oo ahaa Darawalkii Gaariga NOAH-da, ahaana isku xirihii weerarkii Zoobe, inta uusan wareejin NOAH-da ayaa la qabtay.

4.Cali Yuusuf Waceys (Ducaale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyay inuu NOAH-da isku Qarxiyo.

5.C/laahi Cabdi Warsame, iyada oo ugu dambeyn Darawalkii ka xeynayay Gaarigii TM-ka ahaa ee Zoobe ku Qarxay lagu magacaabi jiray Maadey (Cusmaan Xaaji).



Qaraxii Zoobe oo ahaa mid weli aanan horey uga dhicin Soomaaliya ayaa argagixisadu ku xasuuqdey in ku dhow 400 oo qof oo cidkasta isugu jirta. Argagixisada ayaan kala jeclayn cidda dhimanaysa maadaama ay u haystaan dad aan iyaga ka tirsanayn.



 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.