X

Qaraxyo ka kala dhacay Turkiga iyo Ivory Coast iyo dhimasho jirta yaase gaystey xasuuqyadan

War deg dega: Waxa mar dhow qarax xoogani ka dhacay magaalada Ankara ee caasimada Turkiga halkaas oo dhimashadu sii cagacagaynayso ilaa 27 qof waxana qaraxa loo adeegsaday gaadhi goob u dhow xarumaha dawlada iyo milatariga. Qaraxii hore ayaa waxa sheegtay kooxaha Kurdiyiinta inkastoo Turkigu sheegay in nin Siiriyaana uu ka dambeeyay.

Qaraxan ayaa ahaa mid aad u culus oo lala eegtay goob ay basasku ku badan yihiin taas oo keentay in basas badan uu dabku gaadho.

Qaraxyada noocana ayaa ah kuwo fuleynimo laguna yaqaano argagixisooyinka caalamka ha ahaadaan kuwo dhul ku dagaalamaya iyo haday yihiin kuwo ku qaraabanaya magaca diinteena.

Turkiga ayaa sheegay in ay baadhi doonaan cida ka dambaysay ilaa hadana ma jirto cid sheegatay weerarkan fuleynimo. Turkiga ayaa neceb Kurdiyiinta wuxuuna u cadaadiyaa si xun iyadoo Kurdiyiintu rabaan in ay ka go’aan Turkiga iyagoo istcimaalaya falal fuleynimo.

IVORY COAST

Dhinaca kale weerar fuleynimo oo argagixiso ayaa lagu qaaday xeeb ku taal dalkaasi Ivory Coast iyadoo dhiigmiirad uu rasaas ooda uga qaaday dad xeebta joogey waxana la arkay dadka oo naftooda u ordaya. Fal sidaas ayaa lagu qaaday xeebta Liido ee dalkeeena halkaas oo argagixisada shabaab oo walaalo la ah kuwa weeraradan gaystey ay dadkeena ku xasuuqeen.

Dhiigmiiradka weerarkan gaystey ayaa la sheegayaa in uu dilay ilaa shan ruux inkastoo la sheegayo in dhimashadu intaas ka badan tahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.