X

Qasaaraha ka dhashay fatahaadii webiga Shabeelle ee Beledweyne oo sii kordhey

Qasaaraha ka dhashay fatahaadii webiga Shabeelle ee Beledweyne ayaa sii korodhey. Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya fatahaada webiga ee magaalada ayaan fiicneyn maadaama biyihii galeen guryaha dhexdooda.



“Magaaladda haatan waa laga soo baxay,fataahadii waliba xalay iyo habeen hore aad bay u soo xoog yeelatay roobabkiina way da’ayaan, magaalada 80% waa laga soo baxay, dhinaca barina ilaa meesha la yiraahdo 115 ilaa Ceel Jaalle, halkaasaa dadku wada joogaan, dhinaca qoraxsinkana hadba meeshii ay joogto ilaa xaafaddaha meelaha roon roon ayaa lagu baxay ayuu yiri madaxa Hirshabeele Maxamuud Cabdi Waare.
Waxa hadda biyaha webiga qofka u gaarayaan kala bar.




Madaxda qaranka aysaa ku baaqay gurmad deg dega maadaama arintani ka weyntahay mid dawlada taagta daran xamili kato ama awood u leedahay inay far ka dhaqaajiso.

Waxa la sugayaa in kaliya roobabku istaagaan. Dhawaan ayay ahayd markii dadka magaaladu ka cabanayeen biyo la’aan. Magaalada oo biyuhu awalba buuxeen waxa keenay burburka dalka in hadana biyo la’aani jirijirtey.

Ciidamada ka socda Jabuuti ayaa iyaguna dhankooda caawimo fidiyay intii ay awoodi karaan. Arintan aya ah mid xataa dawladaha waaweyn la tacaali karin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.