X

Qaybta saadaalinta hawada ee Maraykanka oo beenka sheegay baraf duufaano wata oo da,a iyo bandoo ay soo rogeen

New York–Waxa shalay qaybta hawada saadaalinta ee dalka Maraykanku sheegeen in uu di,i doono baraf duufaano wata isla markaanna loo baahan yahay in laga xeroodo oo aan dibeda loo soo bixin wixii ka dambeeyay xalay saacada Maraykanka 11 habeenimo.

Waxase dadku subaxii soo tooseen baraf aan sidaa u waynayn iyo waxkasta oo caadi u eg laakiinse uu jiro baraf intii awalba di,i jirtey ah.

Qaybta saadaalinta hawada ayaa raaligelin ka bixiyay khaladka ay dadka u sheegeen. Badhasaabka gobolka New York ayaa isagu ku dooday in uu gudbiyay kaliya wixii qaybta saadaalinta hawadu noo sheegtay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.