X

Qaylo dhaan ka jirta Ayax ku soo faafay deegaanada Siti ee Araabi iyo Jabanta

Dadka deegaanada Soomaali galbeed ee Siti gaar ahaan Araabi iyo Jabanta iyo nawaaxiga u dhow ayaa qaylo dhaan ka direy Ayax ku habsaday. Ayaxa ayaa markii hore soo gaaray degmooyinka gobolka Siti haddase soo racauya dixda iyo barwaaqada taala.


Deegaanadan u dambeeyay ayaa dadku dhex jiifaan nimcada RABI ku manaystey taas oo Ayaxuna rabo inuu gabagabeeyo daaqa ay xooluhu cunayaan iyo weliba dalaga beeraha u soo gu’i lahaa.

Maamulka magaalada Jig-jiga ayaan welli ku baraarugin ilaa haddana ayna jirin wax talaabo ah oo ay ka qaadeen sidii loo badbaadi lahaa daaqa iyo dalaga yar ee dadka u soo go’aya.


Ayaxan oo farabadan ayaa si aada sanadkan iyo sanadkii horeba si xooga uga dilaacay dalka Somaliya oo markii ugu dambeysay ku buufisay diyaarado yaryar.

Itoobiya lafteeda oo sanadkii hore uu hilfaha u qaaday ayaan welli bilaabin ka hortaga Ayaxan labaad ee ugxantii hore dilaacdey.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.