X

Qaylodhaan ka soo yeeraysa xukunada ku dhaca argagixisada oo aan la fulin

Qaylodhaan ka soo yeeraysa xukunada ku dhaca argagixisada oo aan la fulin. Jeelasha magaalada Muqdisho iyo kuwa gobolada waxa ka buuxa argagixiso xukuno dil ah ku dhaceen iyo askar dishey da shacaba laakiin an lagu fulin waxay muteysteen.



Kiisaska qaar sida kuwa argagixisadu gaysatey ayaa ah kuwo aad u foolxun aan mudneyna in jeelka lagu sii hayo argagixiso gaysatey dilal laga argagaxo.



Maxkamada ciidamada oo iyadu rida xukunada ayaa qabta inayna xagooda ahayn laakiin ay jiraan caqabado hortaagan fulintooda sida kaaba qabiilada dhalay argagixisadan iyo askartan.

Dadkii ay dadkooda dileen argagixisada iyo askata dawlada ayaa codsanayay in muddo ahba in sharciga lagu qaado lana fuliyo.



Fulin la’aanta xukunada dhacay ayaa qosol ka dhigaya maxkamada ciidanka ayuu yiri qof shacaba oo argagixiso dishey gabadhiisa.

Fulin la’aan waa dambiga ha sii socdo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.