X

Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa

CARABTA

Qisada amiir Cumar binu khadaab iyo haweenayda ooyaysa. Waxa u caadi ahayd amiirka xilligiisii inuu habeenkii magaalada Madiina dhex lugeeyo.



Amiirku rc wuxuu ahaa nin aad u dheer wuxuuna ku qasbanaan jiray inuu eegistiisa hoos u dhigo maadaama guryaha gaagaaban uu arki karo waxyaabo aanu jeclaysan.

Amiirka ayaa wixii uu la kulmo habeenkaa uu dhex lugeeyo magaalada ay isla maalinta ku xigta ay noqon jirtay siyaasada dawladiisa. Wauxuu ogaanayaa dareenka dadku qabaan.Habeen ayaa wuxuu ag-maray guri ay degan tahay haweenay. Haweenaydu waa ooyaysaa waxayna tirinaysaa gabay ku saabsan kelinimada



Amiirka ayaa fahmay in haweenaydan ay tahay xaaska nin asxaabiya oo loo direy jihaadka. Amiirka ayaa markiiba u tagay gabadhiisa Xafsa ahaydna xaaska xabiibkeena scw scw. saacaduna waa habeen xilli dambe ah wuxuua garaacay albaabka.

Xafsa way naxday waxayna yiri aabo maxaa kuwada xilligaan dambe, see wax u jiraan. Amiirka ayaa yiri waxaan ku weydiin lahaa intee ayaa haweenayda ninkeedu maqan yahay samri kartaa? Intaas keliya miyaa aabo. Kadibna waxay jawaab siisay bil, laba bil, afar bilood waa marka ay noqoto waa xad dhaaf.




Amiirka oo jawaab haysta ayaa salaadii subax markii uu tujiyay dadka u sheegay siyaasada cusub ee dawlada oo ah in aan nina ka maqnaan karin xaaskiisa muddo ka badan afar bilood. Xilliga warkaan uu sheegayo amiirku waxa Muslimiintu jihaad kula jireen gaaladii Roomaanka.La soco qisooyinka cajiibka ah ee socdaalada habeenka ee amiir Cumar binu Khadaab. radiyaAllaahu canhu (rc) (RABI raali haka noqdee)

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.