X

Qisada murugada leh: nin laba maalmood ku hoos jirey dhismihii ku soo dumey qaraxii Muqdisho

Qisada nin laba maalmood ku hoos jirey dhismihii ku soo dumey kadib qaraxii argagixisadu ka gaysatey Muqdisho. Ninkan qisadan xanuunka badan

ku dhacday ayaa la yiraa Ciise Xuseen.

“Gaari ayaan saarnaa qaraxa markuu dhacay wuu iga tuuray gaariga, waxaana ku dhex dhacay holac wadada geeskeeda ah, waan ku dhex guurguurtay,.”ayuu yiri Ciise Xuseen.

Wuxuu Ciise sheegay in uu gaari ka soo raacay dhanka lambar afar. “Markaan Soobe soo gaarnay ayuu qaraxa dhacay, waan wareeray, meel kastoo aan eegay dab ayaa iga jiray….ayuu yiri.



“Waan iska guurguurtay, waxaan galay dhisme sii dumaaya. Alle ayaa mahad leh, “Dhagaxii ayaa igu kor dhacay, jug baa i gaartay oo gurigaa igu kor dumay” ayuu yiri Cise oo 24 sano jir ah wellina yaala isbitaal.

“Wuxuu intaa ku daray ”Gurigii wuu igu kor dumay kadib waxaan galay meel laba guri ay iska qabtaan, madaxa iyo gacmaha baan ka baxsaday meel yar oo ciriiri ah, qaarka dambe ayuuna dhismaha iiga fariistay, waana miyir daboolmay.”

“Dhinacyada oo dhan waan u jeesan waayay meesha ciriiri ayey ahayd, dhismahana dhinacyada oo dhan ayuu iiga soo dumay..”ayuu yiri Ciise oo dhaawac ahaan u yaalla iminka isbitaalka lagu daweynayo.



Codkiisu waa daciif, waxaana ka muuqdo dhaawacyadii ka gaaray gacmaha iyo lugaha.

Markii la helayay, waxaa la arkay asigoo madaxiisa oo ka soo jeeda meel burburtay wuuna miyir daboolnaa. Kooxdii gurmadka ayaa soo saartay oo ula carartay cisbitaalka.

Isla maalintaa waxaa la helay maydad kale oo dheeraad ah oo dhismayaasha ay ku dumeen, sida ay sheegeen shaqaalaha gurmadka degdegga ah. Ciise Xuseen wuxuu ahaa muruqmaal ka shaqeysta dhisidda guryaha iyo qaadidda dhagxaanta.



“Markii aan burburka hoos galay, gurigii wuu igu kor dumay, kadib waxaan galay meel laba guri ay iska qabtaan, madaxa iyo gacmaha baan ka baxsaday meel yar oo ciriiri ah, qaarka dambe ayuuna dhismaha iiga fariistay, waana miyir daboolmay.””

“Dhinacyada oo dhan waan u jeesan waayay meesha ciriiri ayey ahayd, dhismahana dhinacyada oo dhan ayuu iiga soo dumay..”ayuu yiri Ciise

Codkiisu waa daciif, waxaana ka muuqdo dhaawacyadii ka gaaray gacmaha iyo lugaha.

Markii la helayay, waxaa la arkay asigoo madaxiisa oo ka soo jeeda meel burburtay wuuna miyir daboolnaa. Kooxdii gurmadka ayaa soo saartay, oo ula carartay cisbitaalka

Ma uusan ogeyn xilli meesha laga soo saaray, wuxuuna sheegay in uu soo toosay uun asagoo cisbitaalka yaalla. Waxay tani ka mid ahayd qisooyin xanuunka leh iyo xasuuqii dadkeena intii RABI ka badnaadiyay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.