X

Qiso Xanuun Badan oo ka Dhacday Gobolka Sool

Cawil Shire oo 90 jir ah dhinaca dhabbaha ay gawaarida maraan ayuu u gurguurtay isagoo rajo ka qaba bal in dad safar ah ay meesha soo maraan oo ay ku caawiyaan cunto iyo biyo. Wuxuu ka mid yahay dad ay tabardarreystay abaarta gobolka Sool oo markii ay dhaqaaqi waayeen looga tegay dhul cidlo ah oo oomane ah.

Deegaanno uu labo toddobaad ka hor roobka deyrta ka da’ay ayay aadeen intii socon kartay dadka iyo xoolaha.

Weriyaha Ergo ee gobolka Sool oo weheliyay koox dadka deegaanka ah oo 25-kii Oktoobar qiimeyn ku sameyneysay xaaladda abaarta ayaa meel lagu magacaabo Cadaab Hoomay oo u dhow Awr-boogeys oo qiyaastii 165 km u jirta Laascaanood kula kulmay Cawil oo in ka badan 24 saac ku joogay gaajada iyo harraadka.

Timir iyo biyo ayay siiyeen, markaas ayuuna billaabay inuu hadlo. Wuxuu u sheegay in xaaskiisa ay aroortii hore biyo u raadisay isaga iyo afar neef oo ari ah oo sidiisa oo kale dhaqaaqi waayay, ilaa waqtigaas oo fiid ahaana aysan u soo noqon.

Gaari ay wateen ayay Cawil iyo xoolihiiba ku qaadeen, cabbaar markii ay socdeen ayay sidoo kale meel dhexe kula kulmeen Caasho Cumar oo 60 jir ah oo ah xaaska Cawil iyo xoolihii intiisii kale. Waxay sheegtay in aysan helin biyihii ay raadisay, markii ay dib u soo noqotayna ay ninkeeda ka waysay geedkii ay ku ogeyd.

Markii hore wuxuu ahaa nin socon kara oo xoolaha dhinaciisa ka xannaaneeya, balse wuxuu socodka gabay labadii toddobaad ee la soo dhaafay oo gaajada iyo harraadka ay ku bateen.

Dhul miyi ah oo lagu magacaabo Ceel-weyn oo wax aan ka badneyn 15 km u jira Awr-boogeys ayay ka soo lugeynayeen labo maalmood, hadba meel ayay ku hakanayeen, iyagoo dadka kale ee hayaanka ama safarka ah ee ay dhexda ku arkaan waydiisanaya biyo iyo cunto.

Abaarta oo deegaankooda ka jirtay labadii sano ee la soo dhaafay ayay Caasho sheegtay in ay uga dhinteen 200 oo neef oo ari ahaa iyo 43 geel ahaa. Xoolaha waxay ku keliyoobeen markii labo wiil oo ay dhaleen uu midkood la hayaamay toddobo halaad oo u hartay, kan kalena uu xilli sii horreysay aaday dhanka magaalada Buuhoodle. Konton uga hartay ariga oo markaas ay haysteen waxay tilmaantay in aysan biyo cabin muddo shan cisho ah.

“Halkaan ayaan Ilaahay ku sugaynaa, waayo xoolo soconaya ma haysto, dhaqaale aan gaari ku kireystana ma haysto,” ayay ku jawaabtay Caasha oo weriyaha uu waydiiyay meesha ay sii aadi doonaan. Kooxdii uu weriyaha la socday ayaa afar litar oo biyo ah iyo labo kiilo oo timir ah siiyay labadoodii oo meeshii jooga.

Weriyaha oo tegay deegaannada Jidbaalle, Awr-boogeys, Lafweyne, Ardaa, Shimbiraale, Biyo-gaduud, Kulaal, Dararweyne iyo kuwo kale oo ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag oo ah meelaha ugu daran ee ay abaarta ka jirto wuxuu soo arkay afar qof oo waayeel ah oo mid ay haweeney tahay oo cidlo looga tagay markii ay awoodi waayeen inay socdaan masaafada fog ee loo hayaamayo. Laakiin dadku waxay u sheegeen inay jiraan 16 qof oo kale oo ay carruur ku jirto oo sidaas oo kale looga tegay deegaannada laga guuray.

admin:

This website uses cookies.