X

QM oo wakiil cusub u soo magacaabi doonta Somaliya iyo Ingiriiska oo cadhaysan

QM ayaa wakiil cusub u soo magacaabi doona Somaliya. War uu soo saaray afhayeenka wakiilka qaramada midoobey ayaa lagu shegay in ay ka xun yihiin eryida Nikolas balse ay la shaqayn doonaan dadka Somaliyeed.


Nikolas Haysom ayaa dhex dabaashay arimaha gudaha ee dalka Somaliya siiba asagoo la saftey argagixis Mukhtaar Roobow oo la ogaa inuuna welli ka tanaasulin figradihii xagjirka ahaa.

”Waxay sheegeen inay la dhacsan yihiin Nikolas Haysom oo uu yahay wakiil guta shaqadiisa. Nikolas Haysom ayaa ka jeeda asal ahaan cadaanka xooga ku qabsaday Koofur Afrika.


Ingiriiska oo ka caraysan eryida wakiilka ayaa iskugu yeertay Qaramada Midoobey kulan deg dega oo laga yeesho arintan. Waxa la ogyahay in Ingiriisku ka mid yahay wadamada aan rabin in Somaliya yeelato ciidan dalka badbaadiya markastana waxay horboodaa qaraarada QM ee diidmada.

Ingiriiska ayaa gacan saar la lahaa ururkii SNM iyo madaxdii ka dambeysay waxayse taasi burburtey markii Turkigu yimi Somaliya.


Madaxweyne Farmaajo ayaa diidey markii sadexaad codsi ka yimi xoghayaha QM ee ah inuu dib u ceshado Nikolas Haysom.

Waxa la sugayaa talaabada ay qaado QM iyo Ingiriiska oo iswata, oo ay u badan tahay inay taageeri doonaa argagixisada iyo shirqooli mooshina ah si dawladu u degin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.