X

Qodobo ka soo baxay shirka horumarinta bulshada: SAWIRO

Raiisal wasaaraha Somaliya ayaa shir gudoomiyay shirka horumarinta bulshada. Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dawladda ay ka go’antahy in mawaadiniinta Soomaaliyeed ay siiso adeegyo caafimaad iyo waxbarasho oo tayo leh si loo horumariyo nolosha iyo wax soo saarka bulshada.


Sharciga Dawooyinka ee maanta lagu soo bandhigay tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshadu waxa ay u gudbinaysaa golaha wasiirrada si ay u ansixiyaan loona hor-geeyo golaha sharci dejinta.

Halbeegyada sannadkaan laga doonayo in ay ku guulaysato wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxaa qayb ka ah dib-u-eegista sharciga shaqaalaha rayidka ah iyo horumarinta siyaasadda iyo barnaamijka ammaanka bulshada.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.