X

Qodobo laga saaray xildhibaanada Woqooyiga ka imaan doona

Guddiga wadajirka labada aqal ee diyaarinta xeerarka iyo dhameystirka Doorashooyinka Qaran ayaa maanta xildhibaanada Baarlamanka Somaliya u qeybiyay afarta xeer oo loo saaray inay soo diyaariyaan.


Xeerarka la qeybiyey ee qabyada ah ayaa kala ah: habka nidaamka doorashada xubnaha gobolada Waqooyi ee Somaliya ee hadda loo yaqaano Somalilaan, xaqiijinta qoondada haweenka, mataalada gobolka Banaadir iyo xeerka asteynta iyo daadajinta kuraasta Baarlamanka.


Guddiga oo ka hadlaayey Xeerka Nidaamka doorashada Xubnaha Gobolada Waqooyi ayaa sheegay inta laga helayo xal siyaasadeed oo laga gaaro arrinta Gobolada Waqooyi ay xubnaha Baarlamaanka ee Gobolada Waqooyi ay yeelanayaan hannaan gaar ah oo doorasho, waxaana Guddiga isla garatay in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.